Mareykanka iyo Qaramada Midoobey oo Ka Hadlay Go’aankii Itoobiya Ku Eriday Saraakiil Ka tirsan QM
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay inuu aad ula yaabay go’aanka dowladda Itoobiya ee ah inay dalkeeda ka ceyriso toddobo saraakiil sarsare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Guterres oo cambaareeyay tallaabadan ayaa sheegay inay ku soo aadeyso laba maalmood kadib markii madaxa gargaarka Qaramada Midoobay Martin Griffith uu sheegay in boqolaal kun oo qof oo ku nool gobolka Waqooyi ee Tigray ay u badan tahay in macluuli ay soo foodsaarto.
Aqalka Cad iyo wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabada ay qaadday dowladda Itoobiya.