Taariikha Madaxweynihii Ugu horeeyay ee Si dimuqraadi ah Loo soo doorto ee Dalka Masar Maxamed Mursi

Morsi wuxuu ku dhashay deegaanka Al-Cadwah oo saran Webiga Nile ee gobolka Sharqiyah, sannadkii 1951. Wuxuu culuumta Injineeriyadda ka bartay jaamacadda Qaahira sannadkii 1970kii.

Ka dib wuxuu shahaadada PhD ka soo bartay jaamacad ku taalla dalka Mareykanka.

Soo Ifbixii Morsi

Doorashadii baarlamaan ee ugu horeysay ka dib markii xilka laga tuuray Mubaarak, sannadkii 2011kii, Ikhwaanka waxay sameysteen Xisbi ay ku magacaabeen Xuriyadda iyo Cadaaladda (FJP). Waxay ku guuleysteen kala badh kuraastii baarlamaanka.

Morsi ayey u doorteen inuu hoggaamiye u noqdo xisbigi siyaasadeedkaas ,   kaas oo ku guuleystay doorashadii madaxweynaha.

Inkastoo uu hogaaminaye ahaa waqti dheer haddana waxaa loo arkay inuu ahaa nin aamusan oo dadka aan soo jiidan karin.

Morsi ayaa u balanqaaday dadka cadaalad iyo horumar iyo inuu Masar oo dhan hoggaaminayo inkastoo natiijada doorashada aad la isugu dhowaa.

Xilligaas ka hor ayaa siyaasadda lagu arkay. Wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sannadihii 2000 iyo 2005tii.

Dadka isaga dhalleeceeya waxay sheegeen inuu ku guuldareystay inuu waxqabto sannadkii uu xafiiska hayay.

Waxay sheegeen inuu Islaamiyiinta u ogolaaday in ay siyaasadda galasngal ku yeeshaan ayna dhaqaalaha si xun u maareeyaan.

Morsi sawirkiisa

Dadka  dowladdiisa ka soo horjeeday ayaa sababay isu soo bax malaayiin qof ay ka qeybgaleen, maalintii uu u dabaaldegayay sannadkii uu Xafiiska hayay ee 30 June 2013kii.

Habeenkii 3dii Juley ayey ciidammada laaleen dastuurka, waxayna ku dhawaaqeen dowlad ku meel gaar ah oo dalka doorasho ku hoggaamisa.

Morsi ayaa tallaabadaas ku tilmaamay afgembi, waxaana lagu xidhay Xabsi ay militariga leeyihiin.

Ururkii uu ka tirsanaa ee Ikhwaanul Muslimiin  wuxuu Masar ka jiray ku dhowaad 90 sano. Maxamed Morsi wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar ee si dimuquraadiyad ah lagu doortay.

Ururka Ikhwaanka oo muddo Masar mamnuuc ka ahaa, markii ugu horeysay ee siyaasadda ay u tartameen waxay ahayd 1980-maadkii.

Waxay ka qeybgaleen doorashooyiinkii 1984 iyo 1987. Sannadkii 2000, waxay noqdeen mucaaradkii ugu weynaa dalka Masar.

Maaxamed Morsi oo dhowr goor oo maxkamad la geeyay, waxaa lagu kala riday xukunno kala duwan, sida xabsi iyo dil.

Maxkamadda sare ee Masar ayaa ka dib go’aamisay in la joojiyo dilkii lagu Xukumay madaxweynihii hore, waxayna amartay in dacwada mar kale la qaado.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker