Daily Nation Oo Warbixin ka Qoray Halka Uu Salka ku Hayo Khilaafka Saraakiisha Al-shabaab.
Warbixinno lagasoo Xigtay Sirdoonka ayaa muujinaya in Hoggaamiyeyaasha kooxda Al-shabaab ay isku khilaafeen qaab qabiil iyo wadaagida kheyraadka.
Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa Qoray in khilaafkaan uu sababay in labo kamid ah hoggaamiyaayasha kooxda Alshabab laga eryay shaqadii ururka.
Bashiir Qorqab iyo Mahamed Karate oo ah labo sarkaal oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysya Shabaab ayaa dhinac ka istaagay talada ururka kadib markii hogaamiyaha kooxda Axmed Diiriye ay isku khilaafeen sida loo maareeyo dhaqaalaha laga helo shirkaddaha waaweyn ee lagu maalgaliyo Alshabab, sida uu qoray Daily Nation.
Tallaabadan ayaa dhalisay kacdoono ka yimid qayb ka mid ah saraakiisha Al-shabaab waxayna ugu yeereen cadaalad darro lagu sameeynayo qabaa’ilka qaarkood. Waxayna muujiyeen sida aysan ugu qanacsanayn hoggaankooda.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sarkaal sare oo kale oo ka tirsan Al-Shabaab uu sameeyay koox kasoo horjeeda garabka Axmed Diiriye si ay ula dagaallamaan dulmiga lagu hayo qabaailaadkooda oo lagusoo rogay canshuur xad dhaaf ah.
Al-shabaab waxay dhawaan la dagaalantay maleeshiyo beeleedka Malawei oo dega xadka Kenya iyo Soomaaliya. Dagaalka ayaa yimid kadib markii al-Shabaab xoog ku qaadatay xoolahoodiii kuna khasabtay inay sadaqadda bixiyaan.