Guusha Aljeeriya ee Koobka Qaramada Afrika oo Ruxday dhamaan wadamada Carbeed

Algeria ayaa hal gool ku qaaday koobka qaramada afrika kaasi oo yimid daqiiqaddii 2-aad ee biloowga ciyaarta , xilli goolkaasna  waxaa uu ahaa Fursadda qudha ee ay Heleen Xulka Aljeeriya.

Xulka dalka Senegal ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay u Keeni lahaayeen Goolka barbaraha . waxaana daqiiqaddii 62-aad uu garsooraha uu u dhigay Rigoore Ama Gool kulaad balse markii uu dib u eegay Muuqaalkii  Ayuu ka laaabtay go`aankiisa .

Algeria waxa ay qeybta labaad ciyaareysay kubad rogaal celis ah xilli daafac ahaan ay wacnaayeen, waxaana xusid mudan in saaixbada Mane ay mudnaayeen in ay natiijada wax ka badalaan marka Loo eego hanaan ciyaareedkooda oo aad u wacnaa. awgiis

Waa markii labaad ee taariikhda ee ay Aljeeriyaanku ku Guulaystaan koobka qaramada afrika, iyadoo markii ugu horeeysay ee ay qaadeen  ay aheyd sanadkii 1990-kii

 

Hadaba Guusha ka dib waxaa laga soo dheegayaa wadamada Dunida Carabta ama Caalamul Carabi Dabaal degyo Loogu Hamblyaynayo dalka Aljeediya.

 

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker