Mareykanka oo walaac ka muujiyay badqabka saxafiyiinta Kenya
Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay badqabka saxafiyiinta Kenya ka dib markii ay soo baxeen warbixino la xiriira weeraro lala beegsaday xilli ay tabinayeen dibadbaxyada mucaaradka.
“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay warbixinadii ugu dambeeyay ee weerarrada ka dhanka ah saxafiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada waa tiir-dhexaadka dimuqraadiyadda,” ayay tiri Meg Whitman ku soo qoray bartiisa Twitter-ka subaxnimadii Jimcaha.
“Xorriyadda saxaafadda iyo ilaalinta saxafigu waa furaha dimuqraadiyadda,” ayay tiri safiirka Maraykanka ee Kenya Margaret Whitman.
Lix wariye ayaa ku dhaawacmay dibad baxyada, waxaana la burburiyay qalabkii ay wateen intii uu socday mudaaharaadka oo isku bedelay rabshado dhexmaray dibadbaxayaasha iyo booliiska.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in 7 xabadood lagu dhuftay gaarigiisa maalintii Khamiista oo ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in taasi ay ahayd isku day naftiisa lagu doonayay.
Wareysi uu siiyay warbaahinta ayuu Mr Odinga ku sheegay in booliisku ay beegsadeen gaarigiisa iyo kuwa kale oo ay la socdeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhacayay xaafadda Eastland ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.