Markab Saliid sida oo Lagu Gubay Dekedda Magaalada Jiddah

 

Qaraxan Markabka ayaa saaka ka dhex dhacay Markab Shidaal sida oo ku xidhnaa dekadda Magaalada Jeddah ee Wadanka Sacuudi Carabiya, waxaana la sheegay qaraxaasi uu ahaa weerar.

 

Qoraal ay soo saartay Shirkadda markabka ayay ku sheegtay in qaraxa uusan aheyn shil balse ay Aaminsan yihiin in uu ahaa weerar lagu qaaday Markabka, isla markaana ay dhamaan qaraxa ka badbaadeen Shaqaalahii Markabka oo gaadhayay 22 Ruux.

 

Markabkan oo lagu magacaabo BW Rhine ayaa ka diiwaangashan dalka Singapore, waxana Madaxda Shirkadda leh ay sheegeen inay ka cabsi qabaan in uu Shidaalku Badda ku daato taas oo keeni karta qasaare kale.

 

 

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, Hasa yeeshee waxaa horay weerarada noocaan oo kale ah lagu eedeeyay inay mas’uul ka yihiin kooxda xuutiyiinta Yemen oo weeraro ku qaada dekaddaha iyo xarumaha shidaalka ee ku yaal wadanka Sacuudiga mararka qaarkood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker