Imaaraadka Carabta Oo War kasoo Saartay Qaraxii Afgooye Ee Lala Beegsaday Eng.Turki ah.

Imaaraadka Carabta ayaa si kulul uga hadlay weerarkii shalay ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose  Ee Dalka Somalia  kaasoo lala beegsaday Injineero Turki ah oo ka Qeyb qaadanayey dhismaha jidka Muqdisho iyo Afgooye iyo ciidamo ilaalo u ahaa.

 

 

War-saxaafadeed kasoo Baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa lagu Cambaareeyay qaraxaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dowlada Imaaraadka ayaa Tacsi u dirtay dhammaan Ehelada dadkii waxyeelada kasoo gaadhay Qaraxii shalay, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas oo ay ku sifeeyeen mid foolxun oo Argagaxisanimo.

 

Ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhintay, 15 kale oo 6 ka mid ah ay yihiin Shaqaale Turki ahna way ku dhaawacmeen qaraxii ka dhacay degmada Afgooye, waxaana sheegatay kooxda Al-shabaab.

 

Dowlada Imaaraadka oo aan xiriir fiican la laheyn dowladaha Somalia iyo Turkiga ayaan looga baran iney cambaareeyaan qaraxyada lala beegsado shaqaalaha Turkiga ee jooga Somalia, iyadoo wargeysyo ka soo baxa Turkiga ay ku eedeeyeen dowlada Imaaraadka iney ku lug laheyd weerarkii lagu hoobtay ee 28-kii Bishii December ee sanadkii tegay ka dhacay Ex-kontrol Afgooye kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow boqol qof oo ay ku jireen labo injineer oo u dhashay dalka Turkiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker