Xidhiidhka Kubbadda Cagta Puntland Oo La Kala Diray kadib Markii Uu Khilaaf Soo kala Dhexgalay

Guddiga anshaxa ciyaaraha gobolada Puntland ayaa maanta go’aamiyey in lagu celiyo kulankii gobolada qaar   ee muranku ka dhashay, waxayna sheegeen in labada kooxood midna khalad lahayn.

Guddiga oo soo saaray qoraal ayaa sidoo kale go’aamiyay in ciyaartoydii muranku ka dhashay ee Cabdirisaaq Cali Ciise Abgaalow oo Sanaag u ciyaara iyo Bile Maxamuud Diiriye oo Nugaal u safta ay qabaan mid hal Jaale.

Guddiga anshaxa ciyaaraha gobolada Puntland waxay soo jeediyeen in tallaabo laga qaado cidii sababtay in khalad ka dhaco ciyaartii Nugaal iyo Sanaag.

Dhanka kale Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka duulaysa tala soo jeedinta guddiga anshaxa ciyaaraha gobolada ayaa kala dirtay Xiriirka Kubadda Cagta Puntland oo maamulayay tartanka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker