Mucaaradka oo kaabiga ku haya xabsiga dadka lagu ciqaabo ee Sednaya

Xoogag aad u hubeysan oo ka tirsan dagaal-yahanada kooxaha mucaaradka ayaa ku sii siqaya xabsiga weyn ee Sednaya ee duleedka Magaalada Dimishiq.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal-yahano fara-badan oo wata gaadiid ay u dhaafeen dhinaca xabsigaasi, oo ah mid ay maamusho Dowladda Suuriya.

Qorshaha mucaaradka ayaa u muuqdo mid ay xabsigaasi kaga sii deynayaan maxaabiista faraha badan ee ku xiran.

Xabsiga Sednaya oo dadka ay u yaqaanaan (Kawaanka dadka) ayaa ah xabsi ciidan, kaas oo caan ku ah jirdilka joogtada ah iyo meel lagu dhibaateeyo maxaabiista siyaasadeed.

Xabsigan waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah xarumaha ugu naxariista daran ee aadanaha lagu dhibaateeyo ee ku yaala dunida. Heerka xadgudubyada baahsan ee ka dhex dhaca ayaana keentay in loogu yeero kawaan lagu gowraco dadka.

Cid kasta oo raq iyo ruuxdeeda la wayo waa meesha Suuriyaanka loo sheego inay ku xiran tahay amaba ay jirdil ugu dhimatay. Qoysas badan oo waayay xubno ka mid ah ayaa dib ka ogaaday in lagu hayo xabsigaasi, qaar kalena waxaa loo sheegay in jirdil ay ugu geeriyoodeen. Xabsigan ayaa u sameysan in si gaar ah loogu ciqaabo cid kasta oo dhaliisha amaba ka hortimaada nidaamkaasi.

Kiisaska dhimashada ee laga soo wariyo xabsigan ayaa ku suntan astaan qabow oo ka tarjumeysa dulmiga nidaamka muddada dheer ka arriminayay dalkaasi, waana xabsi ka gooni ah xabsiyada kale ee dalkaasi.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa marar badan dowladda dalkaasi ka codsaday in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo xadgudubyada ka dhanka ah bani’aadantinimada ee ka dhaca xabsigaasi, inkastoo ay dhegaha ka fureysatay.

Ciidanka Polizia Militare ee Suuriya oo gacanta ku haya xabsigaasi ayaa lagu eedeeyaa inaysan u hoggaansamin sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo qiyamka aasaasiga ah ee aadanaha, isla-markaana aysan ilaalinta nafta bani’aadamka.

Si kastaba ha-ahaatee qoysas badan ayaa la filayaa in maanta ay dib ula midoobi doonaan xubnaha ka midka ah ee halkaasi ku xiran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker