Iran oo iska fogeysay dilka wadaad Israa’iili ah oo lagu dilay Imaaraadka Carabta
Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ee Imaaraadka Carabta ayaa ku gacan seyrtay eedeyn iyo “faragelin kasta oo ku saabsan dilka” Wadaad Israa’iili ah oo ka dhacay Dubai.
Kadib markii la baahiyay warka sheegaya in Rabbi Tsoi Kogan lagu dilay magaalada Abuu Dubai, warbaahinta Israaโiil waxay farta ku fiiqday Iran kadib waayitaankiisii iyo dhimashadiisa.
Meydka Raabi ayaa laga dhex heleay gaarigiisa meel aan ka fogeyn gurigiisa. Warbaahinta Israaโiil ayaa ku warantay in gaariga Mr. Kogan ay ka muuqdeen calaamado muujinayo dilka ka dhacay.
Maalintii Axadda, wakaaladda wararka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa ku dhawaaqday in safaaradda dalkaas ay sheegtay in ay โgabi ahaanbaโ aaney run ahayn eedeymaha ah โku lug lahaansho kastaโ oo la xiriira dilka Rabbi Tsui Kogan.