Masuuliyiintii Xukuumadii Siilaanyo Ka Tirsanaa Ee Muqdisho ku Sugnaa Oo Xilal Loo Magacaabayo
Masuuliyiintii ka yimi Somaliland ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa toddobaadkan la kulmaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ka wada hadli doonaan sidii labada dhinac wada shaqayn u yeelan lahaayeen .Waxa suuragal ah in qaarkood dhawaan xilal loo magacaabo.
Xubnahan oo kala Axmed Aadan Kayse wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha dibeda, Xasan Daahir Dhimbiil wasiir ku xigeen hore ee caafimaadka , Khadar Axmed Diiriye wasiiru dawlihii cadaaladda , ayaa bishii February ee sannadkan ka soo dhoofay magaalada Hargeysa, waxaana ay markii hore sheegeen in ay socdaan dhanka dalka Kenya .
Saddex ka mida masuuliyiintan waxa ay wasiiro ka ahaayeen xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo safarkooda ku noqdey dad badan lama filaan .
Dad xog xogaal ah, ayaa ii sheegay masuuliyiinta Somaliland ka soo jeeda ee xilalka dawlada federal-ku aanay soo dhaweyn imaanshaha siyaasiyiintani , laakiin lama oga in ay ka qaybgeli doonaan kulanka ay la yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo .
Oodweynenews Muqdisho