Golaha Abwaaniinta Somaliyeed oo Taageeray Raiisul wasaare Rooble
Muqdisho (OWN) โ Golaha abwaanada Soomaaliyeed oo maanta shir jaraaโid u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada ka taagan xarunta Villa Somalia ee ka dhalatay shaqo ka joojinta agaasimihii hayโadda nabad sugidda.
Ugu horreyn Abwaanada Soomaaliyeed ayaa taageero u weyn u muujiyey raโiisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ay shaaciyeen inay boggaadinayaan tallaabada uu qaaday ee shaqo ka fariisiinta Fahad Yaasiin Xaaji Dahiir.
Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in lagu garab istaago dadaallada uu Raโiisul wasaaraha ugu jiro inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dishay Al-Shabaab.
Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo ugu horreyn madasha ka hadlay ayaa farriin culus u diray raโiisul wasaaraha iyo agaasimaha cusub ee hayโadda NISA, isaga oo ka dalbaday inay dib u habeyn ku sameeyey, sida ay haatan u shaqeyo hayโadda nabad-sugidda Soomaaliya.
โWaxaan ku talinayaa raโiisul wasaaraha iyo taliyaha loo dhiibay hayโadda nabad sugida meesha waa lagu aasanyahee si fiican isaga sifeeya,โ ayuu yiri Abwaan Guure.
Dhankiisa Abawaan Xirsi Nuux Maxamed oo shirka jaraaโid ka hadlay ayaa bulshada Soomaaliyeed iyo ciidamada ugu baaqay inay garab istaagaan raโiisul wasaaraha dalka.