Sagaal maalmood ayaa ka dhiman doorashada Aqalka Cad ee Maraykanka

 

Xalay, isu soo bax ka dhacay Michigan – oo ah gobol muhiim ah kana mid ah kuwa aan codkoodu meelna raacsanayn – ayuu Donald Trump taageero ka helay hoggaamiyeyaasha Carabta-Maraykanka, kuwaas oo uu sheegay inay “in ay waji kale u yeeli karaan doorashada”.

Sidoo kale, magaalada Michigan, marwadii kowaad ee hore ee Maraykanka Michelle Obama ayaa ka soo muuqatay ololihii ugu horeeyay ee munaasabad ka dhacday Kalamazoo oo ay kula jirtay musharaxa Dimuqraadiga iyo madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, Kamala Harris.

Khudbad kulul oo ay jeedisay ayay ku boorisay codbixiyayaasha inay “wax sameeyaan” oo ay dalka ka ilaaliyaan “khatarta” Trump, iyadoo sidoo kale ka digtay sida maamulka Trump uu saameyn ugu yeelan karo xuquuqda ilmo iska soo xaaqidda.

Codbixintu waxay muujineysaa in labadooduba ay ku jiraan tartan adag oo ka socda Michigan, iyadoo Harris ay si dirqi ah u hayso hoggaanka.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker