Hoggaamiyayaasha dalalka Barwaaqo Sooranka ayaa ka horyimid magdhowga UK ee addoonsiga
madaxweynayaasha dalalka Barwaaqo Sooranka ay isku diyaarinayaan in ay ka horyimaadaan UK ayna ku heshiiyaan qorshooyin lagu eegayo in si cadaalad ah dib loogu saxo ganacsiga addoonisaga.
Xafiiska looga taliyo UK Downing Street ayaa ku adkeysanaya in aysan ka mid aheyn ajandaha shirka 56-aad ee dalaka Barwaaqa Sooranka ee ka bilaabaya jasiiradda Samoa berito oo Jimco ah.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in madaxda ay ka wadaxaajoonayaan heshiis lagu sii wadi karo baaris wadahadal oo macno leh oo ku saabsan arrinta, taas oo horseedi karta in UK ay bixiso malaayiin doolar oo magdhow ah.
Magdhow cadaalad ah oo laga bixiyo adoonsiga waxa uu noqon karaa dhowr nooc oo ay ka mid yihiin mid dhaqaale, deynta oo laga dhaafa dalalka, raaligelin rasmi ah, barnaamijiyo waxbarasho, kaalmo dhaqaale iyo mid caafimaad.
UK ma dooneyso in war murtiyeedka lagu qoro erayo ka hadlaya magdhow cadaaladeed balse ilaa hadda waxay ogalaatay in lagu daro 3 cutub oo qeexaya halka Barwaaqa Sooraanka ka taagan yihiin.