Korneyl Ehsan Daxa oo lagu dilay Marinka Gaza
Taliska Militariga Israel ayaa ku dhawaaqay in Taliyihii Guutada 401 ee Ciidanka Difaaca Israel, Korneyl Ehsan Daxa lagu dilay waqooyiga Marinka Gaza.
Taliska ayaa bayaan uu xalay soo saaray ku sheegay in Taliyaha lagu dilay qarax miino oo lala eegtay taangi ay leeyihiin ciidamada oo uu la socday.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in weerarku uu ka dhacay deegaanka Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, waana xerada qaxootiga Jabalia oo Ciidamada Israel ay go’doomiyeen saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay.
Bayaanka ayaa lagu xusay in qaraxa uu ku dhaawacmay Sarkaal kale, kaas oo dhaawiciisa loo qaaday gudaha Israel, si halkaasi loogu daweeyo.
Korneyl Ehsan Daxa ayaa hoggaaminayay Guutada 401 oo ka mid ah Guutooyinka Militariga Israel ee horaantii bishan dib ugu soo laabtay waqooyiga Marinka Gaza, si ay Xamaas ugu la dagaalamaan.
Waxa uu ahaa 41 jir ka soo jeeda bulshada Druze ee degta Israel, wuxuuna ifka uga tagey saddex carruur ah, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Militariga Israel.
Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog ayaa ka tacsiyeeyay geerida ninkaasi, isagoona sheegay in uu ahaa geesi Israeli ah.
“Ehsan wuxuu ahaa nin geesi ah, geesi Israeli ah, aan is hooseysiin iyo weliba dagaalyahan qiimo leh. Geeridiisu waxay khasaare ku tahay Dowladda Israel iyo guud ahaanba bulshada Israel.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Ehsan Daxa ayaa sanadkii 2020 loo dalacsiiyay darajada Gaashaanle Sare, markaas oo loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Guutada 205 ee Ciidanka Difaaca Israel.
Korneyl Daxa ayaa noqonaya Taliyihii ugu darajada sarreyay Militariga Israel ee la dilo, tan iyo markii uu sanad ka hor bilowday dagaalka Gaza.