Maxbuus Dil Ku Xukunaa Oo Ka Baxsaday Xabsi Ku Yaala Puntland
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Maamul Goboleedka Puntland Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamuud Xirsi ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu uga baxsaday xabsiga Axmed Cabdi Jaamac oo ku xukunaa dil toogasho ah.
Maxbuuskaan ayaa sheegay in uu xanuunsanayo waxaana loo qaaday isbitaal ku yaal gudaha magaalada Qardho balse ilaaladii waday ayaa u geeyay maleeshiyo beeleed ku sugeysay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Qardho.
Afhayeenka ayaa ku tilmaamay shirqool ay wax ka ogaayeen saraakiishii iyo ciidankii Asluubta loo xilsaaray in ay soo daweeyaan Maxbuuska ayna dib loogu soo celiyo xabsiga Qardho.
“Xukumane Axmed Cabdi Jaamac oo u xirnaa dil toogasho ah ayaa arrimo caafimaad loogu qaaday Isbitaalka guud si loo daweeyo, saraakiil ayaa loo xilsaaray howshaas balse way la garab mareen oo afka ayay la galeen ciidan hubeysan oo u diyaarsanaa, markii aan baaris dheer sameynay waxaa inoo caddaatay in dayacaad la sameeyay” ayuu yidhi afhayeenka.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah ilaaladii maxbuuska uu ka maqan yahay xaruntii uu ka howlgalayay oo uu la baxsaday maxbuuska xukun sugaha ahaa, balse ay xiran yihiin qaar ka mid ah saraakiishii mas’uulka looga dhigay in ay isbitaalka geeyaan xukmanaha dibna ugu soo celiyaan xabsiga.