Khasaare ka dhashay weerar Xamaas ay ku qaaday Tel Aviv
Ciidamada difaaca Israaโiil ayaa sheegay in shan gantaal oo laga soo riday deegaanka Khan Younis ee Gaza, ay ku dhaceen magaalada Tel Aviv.
Xamaas ayaa xaqiijisay inay iyagu ka danbeeyeen weerarka.
Baabuurtii ayaa istaagtay Jidka weyn ee Ayalon, ee mara xudduudda bari ee Tel Aviv, wariyayaasha BBC-da ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa qaraxyo kor ka soo dhacay.
Adeegga gurmadka dagdagga ah ee Israaโiil (MDA) ayaa sheegay in laba dumar ah oo 30 jir ah ay โdhaawacyo fudud soo gaareenโ ka dib firir ka dhashay weerarka lagu soo qaaday bartamaha Israaโiil.
Kooxada gurmadka ayaa sheegay in dhibanayaasha oo loo qaaday isbitaal ay “xaaladdooda wanaagsan tahay”.