10 qof oo ku dhaawacantay weerar ay Xisbullah ku qaadday Haifa
Xoogaga Xisbullah ayaa saqdii dhexe ee xalay tiro gantaalo ah ku weeraray magaalada waqooyiga Israel ku taala ee Haifa, iyadoona ay waxyeelo ka soo gaartay dad Israeliyiin ah.
Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Xisbullah ay Haifa ka gaysatay weerarkii ugu horreyay ee khasaare gaysta.
Wararka ayaa sheegaya in gantaalada Xisbullah ay garab mareen gantaalada nidaamka difaaca hawada ee Israel.
Saraakiisha Booliska Haifa ayaa sheegay in gantaalada Xisbullah ay ku dhaceen dhismayaal ku yaala magaaladaasi. Booliska ayaa sheegay in dhismayaashaasi iyo hanti kale ay waxyeelo soo gaartay.
Warbaahinta ayaa saaka tebineysa in ugu yaraan toban qof ay ku dhaawacmeen weerarka gantaalaha loo adeegsaday ee ay Xisbullah ka gaystay magaalada dekedda leh ee Haifa.
Xisbullah ayaa sheegtay in gantaalaha ridada dheer ee Fadi 1 ay ku asqeysay Saldhigga Ciidamada Carmel ee koonfurta Haifa, iyadoo laga jawaabayo duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo dalka Lubnaan.
Xisbullah ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in sidoo kale ay garaacday Saldhigga Nimra ee ku yaala Magaalada Tiberias ee xeebta galbeed ee Badda Galilee.
Sida laga soo xigtay Warbaahinta Israel, hal qof ayaa ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday Magaalada Tiberias.
Weerarka ka dhacay Haifa ayaa noqonaya kiisii 18aad ee Xisbullah ku qaaddo magaaladaasi, halka weerarka ka dhacay Tiberias uu noqonayo markii ugu horreysay, tan iyo intii uu dagaalka ka dhex qarxay labada dhinac.
Taliska Militariga Israel ayaa bayaan ku sheegay inay baarayaan, waxa keenay in gantaalada Xisbullah ay ka baxsadaan hannaanka difaaca hawada.
Xiisadda Israel iyo Xisbullah ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, ka dib markii Israel ay laba toddobaad ka hor bilowday inay si weyn u beegsato bartilmaameedyada Ururka Xisbullah.