Diyaaradaha Rayidka Ee Lasoo Riday Aduunka Laga Soo Bilaabo 1938 -2020 Iyo Dadkii Ku Dhintay

Waxaan halkan hoose ku soo gudbinayaa dhammaan diyaaradihii rayidka ahaa ee adduunka lagu soo riday, iyadoo lagu isticmaalay gantaalaha lidka diyaaradaha ama diraaradaha dagaalka. Waxa kale oo aan ku soo gudbid doonaa tirada dadka ku dhintay diyaaradahaa la soo riday oo gaadhaya 1500 oo qof.

8 January 2020 Ukrainian airliner, Boeing 737-800 waxaa soo riday ciidamada Iran, waxaana ku dhintay 176 qof.

17 July 2014 Malaysia Airlines Flight 17 waxaa soo riday jabhad ka dagaalanta waddanka Ukraine, iyagoo ku soo riday gantaal nooca raadaarku hago oo loo yaqaan S-11. Waxaa ku dhintay 298 qof.

04 October 2001 Siberia Airlines Flight 1812 waxaa soo riday ciidamada Ukraine oo dhoolatus ku samaynayey Badda Madow “Black Sea” ee xeebaha Crimean, laba gantaal oo ahaa S-200 oo ayaa rideen ay ku dhaceen diyaaradda. Waxaa ku dhintay 78 qof.

3 July 1988 Iran Air Flight 655 waxaa soo riday markab dagaal Maraykanku lahaa oo ilaalo ka ah xeebaha Iran ayaa laba gantaal oo ah nooca loo yaqaan SM-2MR. Waxaana ku dhintay 290 qof.

1 September 1983 Korean Air Lines Flight KAL007 waxaa soo riday diyaarad dagaa uu Ruushku lahaa oo ah nooca loo yaqaan Sukhoi SU-15. Waxaana ku dhintay 269 qof.

27 June 1980 Itavia Flight 870 oo ay lahayd shirkad Talyaani ahi uu ku dhacay gantaal inkastoo aan weli la sheegin cidda ka danbaysay, laakiin loo badinayo inuu isla ciidamada Talyaanigu rideen. Waxaa ku dhintay 81 qof.

12 February 1979 Air Rhodesia Flight 827
3 September 1978 Air Rhodesia Flight 825
Waxaa labadan diyaaradoodba soo riday jabhad ka dagaalami jirtay waddankii la odhan jiray Rhodesia ee imika loo yaqaanno Zimbabwe, iyagoo labada diyaaradoodba soo riday markay ka duuleen airport ku yaalla magaalada Kariba, iyagoo ku isticmaalay gantaalo uu sameeyey Ruushu. Waxaana ku dhintay lavada diyaaradood dad ka badan 100 qof.

21 February 1973 Libyan Arab Airlines Flight 114 waxaa soo ridday diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay lahayd Isreal iyadoo ku soo dhacday lama degaanka Sinai “Sinai Dessert”. Waxaana ku dhintay 113 qof.

27July 1955 El Al Flight 402 oo laga lahaa waddanka Isreal waxaa soo ridday diyaarad kuwa dagaalka ah oo ay lahayd Bulgaria. Waxaana ku dhintay 58 qof.

23 July 1954 Cathay Pacific VR-HEU oo laga lahaa waddanka Hong Kong waxaa soo riday diyaarad dagaal oo ay lahaayeen ciidamada China. Waxaana ku dhintay 10 ka mid ah 18 qof oo saarnaa diyaaradda.

24 August 1938 The Kweilin oo ay wada lahaayeen china iyo America oo ahayd DC-2 waxaa soo riday 5 diyaaradaha dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada Japan. Waxaa ku dhinay 14 qof oo rasaasta diyaaraduhu ridayeen ku dhaceen.

Weerarradan lagu soo riday diyaaradaha rayidka ah waxaa aanan ku jirin oo diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee Korean Air Lines oo ay summadda duulimaadkeedu ahaa Flight 902, nooceeduna ahaa Boeing 707, oo ay saarnaayeen 103 qof ay si khalad ah u gashay hawada Ruushka ka dib markii uu raadiyuhu ka xumaaday. Sidaa daraadeedna ay diyaarad kuwa dagaalka ah oo uu Ruushku lahaa gantaallo ku ridday, nasiib wanaagse ay diyaaradda uu dhaawac gaadhsiisay inkastoo ay laba qof oo rakaabka ahina ku dhinteen iyo dhowr qof oo dhaawac noqday.

No photo description available.

No photo description available.

No photo description available.

waxa soo diyaariyey aqoonyahan Ahmed Muse ” Fawsi”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker