Wasiirrada Difaaca Israa’iil iyo Mareykanka oo iska waraystay xaaladda cakiran ee bariga dhexe
Waxaa hadda na soo gaadhaya, warar sheegaya in wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant uu la hadlay dhiggiisa Mareykanka Lloyd Austin.
Gallant, ayaaa u sheegay xoghayaha difaaca Mareykanka wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda ka dhex aloosan Xisbullaah iyo Israa’iil.
Waxaa uu sidoo kale gaarsiiyay hanjabaadaha Xisbullaah ee ka dhanka ah Israa’iil iyo sidoo kale howlgallada ciidamada Milatariga Israa’iil ee ku wajahan bartilmaameedyada ururkaasi leeyahay.