Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Isku Dayaya Inuu Xalliyo Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Taagan Kililka Shanaad

Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Abiy Ahmed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa xalinta khilaafka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa bartiisa Twitterโ€“ka soo dhigay qoraal kooban uu kaga hadlayo xallinta khilaafkii waayadii ugu danbeeyayba ka taagnaa dowlad-deegaanka Soomaalida, kaasi oo u dhexeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaalida Itoobiya, Mr. Axmed Shide oo sidoo kalena ah Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda federaalka Itoobiya iyo Madaxweynaha Deegaankaasi Mustafe Cagjar.

 

Bogga Twitterโ€“ka Raโ€™iisal wasaaraha ayaa la soo dhigay Sawirrada Raysal-Wasaare Abiy oo la taagan Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Guddoomiyaha xisbigga tallaada haya Axmed Shide oo toddobaadyadii ugu danbeeyay uu soo ifbaxay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya kaas oo ragaadiyay howlihii kala duwanaa Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

 

Raysal-Wasaare Abiy Ahmed ayaa isu keenay labada Masโ€™uul oo maalmihii u dambeeyay uu khilaaf u dhaxeeyay, waxaana uu u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo horumarka gobolka, jihada ay tahayna loo maro โ€œWaa in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka..โ€ ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo la soo raaciyey Sawirrada lagu baahiyey Twitter-ka Raysal-wasaaraha.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa todobaadyadii u dambeeyay la kulmayey caqabado siyaasadeed oo uga imaanayay hoggaanka xisbiga haya talada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa Madaxweynaha looga yeedhay xafiiska Raysal-wasaare Abiy ee magaalada Addis Ababa, laakiin Shalay ayaa Twitter-ka Raysal-wasaaraha lagu baahiyey Sawirrada isagoo dhex taagan Madaxweynaha Kililka shanaad ee Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Guddoomiyaha Xisbiga haya talada deegaankaasi oo labada Gacmaha haya, iyagoo dhamaantood dhoolla-cadaynaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker