Dagaal Janaa Cabdalle ku dhexmaray ciidamada Jubaland iyo kuwa Al-Shabaab
Warrarka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerarreen saldhig ay fadhiyeen ciidamada daraawiishta Jubaland.
Dagaal culus ayaa la soo weriyay in uu labada dhinac dhexmaray kaas oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Warbaahinta Maamulka Jubaland ayaa sheegtay in koox ka tirsan Al-Shabaab oo dooneysay in ay weerarto saldhiga ciidamada Jubaland ku leeyihiin tuulada Janaa Cabdalle ay is faro saareen ciidamada, halkaasna uu ka dhacay dagaal lagu dilay 5 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, laguna qabtay kuwa dhaawac ah.
Ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegashada Jubaland ee ah in ay dileen 5 ka tirsan Al-Shabaab. Al-Shabaab dhankooda illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan dagaalka saaka ka dhacay Janaa Cabdalle.
Janaa Cabdalle waxa ay qiyaastii 60km Woqooyi uga beegan tahay magaala madaxda Gobolka Jubada Hoose ee Kismaayo, waana tuulo istaraatiiji ah oo isku xirta dhawr magaalo oo ku yaala gobolka.