Qoys Maraykan ah oo ogaaday in uu u dhashay ilmo aanan koodii ahayn
Qoys Maraykan ah oo ku nool gobolka California ayaa u dhashay ilmihii ugu yaabka badnaa kadib markii la isweeydaariyay bacriminta ilmaha ee loo yaqaano IVF sida lagu sheegay gal dacwadeed maxkamad laga furey.
Lammaanaha kala ah Daphna iyo Alexander Cardinale ayaa sheegay in ay u dhalatay gabadh aanan iyaga meelnaba uga ekeyn.
Kadib markii la sameeyay baaritaan xagga hiddo sidaha ah ayaa la ogaaday in ilmahani ay leeyihiin lammaane kale, waxayna go’aansadeen in ay dib isu weeydaarsadaan carruurta.