Shaqo joojin ka socota garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta iyo rakaab ku xayiran
Qalalaase baahsan ayaa ka jira garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib shaqo joojin habeenimo ah oo ay ku baaqeen shaqaalaha loogana soo horjeedo la wareegitaanka shirkad laga leeyahay dalka Hindiya.
Boqolaal rakaab ah ayaa ku xayiran garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, oo ah xuddunta ugu weyn ee bariga Afrika.
Ururka shaqaalaha duulista ayaa ka digay shaqo joojin aan la cayimin ka dib markii ay dawladdu ku guul-darraysatay inay shaaciso shuruudaha heshiiska kirada kooxda Adani ee Hindiya.
Waxay sheegtay in laga yaabo inay keento shaqo la’aan.
Sawirro laga soo qaaday isla markaana lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dadka rakaabka ah oo ku degdegaya qaadashada boorsooyinkooda, iyadoo shaqo joojintu ay dhaqan gashay.