Cudurka Covid-19 Iyo Warbixinta Maalinlaha Ah Ee Dalka
Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay 67 qof oo hor leh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 kadib markii saacadihii ugu dambeeyay cudurka laga baadhay 343 qof, halka tirada dhimashada guud ay gaadhayso 217 qof.
Somaliland ayaa dhawaan sheegtay in labadii bilood ee la soo dhaafay uu dad badan soo ritay xanuunka Covid-19 oo mawjaddii labaad ah.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in xooga saareyso wacyigelinta iyo qaababka kale ee looga hortagayo faafidda cudurka haddii loo baahdana ay soo rogi doonaan tallaabooyin dheeraad ah.