Muxuu Yahay Halista Nooca cusub ee Corona ee Ka dillaacay South Africa?

WHO iyo khubarada caafimaadkaba waxay sheegeen in faracan cusub ee COVID-19 uu yahay mid aad looga baqo, maadaama uu aad isu bedbedelo, si degdeg ahna uu u faafo.

Markii ugu horeysay waxaa 24-kii bishan laga helay dalka Koonfur Afrika, ka dibna waxaa lagu arkay dalalka Botswana, Belgium, Israel iyo Jaziirada Hong Kong.

Mar sii horeysay khubarada caafimaadka waxay sheegeen in arrinta walaaca badan leh ay tahay, in tallaalka hadda jira ee COVID-19 aanu wax badan ka tari karin noocan cusub ee fayriska Corona.

Wadamada Britain, Mareykanka, Australia, Brazil iyo Sacuudiga ayaa durbaba soo saaray awaamiir ay ku joojinayaan duulimaadyada kaga yimaada wadamada Koonfurta Afrika qaarkood, sida South Africa, Botswana, Lesotho, Eswatini, Namibia iyo Zimbabwe.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa dalalka Mozambique iyo Malawi ku kordhiyay liiska lixda dal ee dadkooda laga mamnuucay inay yimaadaan Mareykanka.

Madaxweyne Biden ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tallaabadan uu qaaday, ka dib markii uu wadatashi la yeeshay La taliyihiisa u qaabilsan dhanka caafimaadka, Anthony Fauci.

Dowladda Canada ayaa sidoo kale sheegtay in dalkeeda ay ka mamnuuci doonto dadka ajnabiga ee afar iyo tobankii maalmood ee ugu dambeysay tegay toddobada dal ee kala ah South Africa, Namibia, Lesotho, Botswana, Eswatini, Zimbabwe iyo Mozambique. Muwaadiniinta ajaaniibta ee Canada tegaya ayaa khasab lagaga dhigay afar iyo tobankii cisho ee la soo dhaafay inaysan tegin dalalkaasi.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Afrikada Koonfureed, bacdamaa laga soo sheegay sida ay sheegtay nooc cusub oo COVID-19 ah, aadna u halis badan.

Dowladaha Emirate-ka Carabta, Bahrain iyo Morocco ayaa ku biiray wadamada joojiyay duulimaadyadii ka imaanayay wadamada koonfureed ee Afrika.

Wasiirka Caafimaadka Koonfur Afrika, Joe Phaahla oo Warbaahinta la hadlay ayaa bilaa sabab ku sheegay tallaabada dalkiisa looga joojiyay duulimaadyadii dalalkaasi tegaayay, ha yeeshee dowladahan ayaa ku andacoonaya inay tallaabadaasi u qaadeen, si ay kaga hortaggaan faafitaanka faraca cusub ee COVID-19.

Xanuunka safmarka ah ee COVID-19 ayaa lagu sheegay kiisii ugu khatarta badnaa ee dunida soo mara qarnigan 21aad.
https://www.youtube.com/watch?v=xvQA0kIQIyw

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker