Madaxwayne Farmaajo oo Safar Shaki Badan Dhaliyay ugu Baxay Dalka Ethiopia
Muqdisho (OWN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale maanta safar ugu baxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan Villa Somalia, madaxweynaha ayaa Addis Ababa ugu qeyb-galaya shir madaxeedka ururka Midowga Afrika. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu si gaar ag ula kulmo mas’uuliyiinta dalkaas.
Safarkan ayaa yimid ayada oo maanta ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay maalintii Farmaajo loo doortay madaxweynaha, sababaha lagu doortayna ay ugu weyneyd in loo arkay waddani iyo naceybka uu sheegi jiray inuu u qabo Itoobiya.
Hase yeeshee, markii uu kursiga ku fariistay kadib, Farmaajo waxa uu “cadowgiisa koowaad” ee Itoobiya u rogay saaxiibkiisa koowaad, ayada oo Itoobiya ay noqotay dalka ugu badan ee uu booqday intii uu xukunka haye.
Waxyaabaha taariikhda u galay waxaa ka mid ah inuu noqday madaxweynaha kaliya ee Soomaaliyeed muwaadin Soomaaliyeed u gacan geliya Itoobiyadii uu cadowga ku sheegi jiray.
Farmaajo ayaa iminka Itoobiya iyo Eritrea kula jira isbaheysi saddex geesood ah, oo xog badan aan laga hayn waxa uu yahay iyo danta ay Soomaaliya ku qabto.