Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland oo ka Hadlay Markabkii 3 cisho ka hor ka baxay Magaalada Berbera ee Loo diiday inuu ku Xidho Dekedda Jeesaan

Dawladda Saudi arabia ayaa markab ka shiraaqday Dekeda Magaaladda Berbera, xoolona ka qaaday oo ku xidhay deked ku taala wadanka saudi arabia ayay xukuumadda dalkaasi dib u soo celisay ka dib markii sida la sheegay laga waayay warqada ogolaanshiiyaha ee dalka Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo MV-FAHAD ayaa siday 20,000 oo neef oo adhi ah, waxaanu sii socday muddo saddex maalmood ah.

In kasta oo ay dhawaan dawladda Saudi arabia soo saartay warqad ah lagu ogeysiinayay dadka ka soo dhoofiya xoolaha magaaladda Berbera in ay ogolaanshiiyaha ka soo qaataan dawladda federaalka soomaaliya, hadana xukuumadda soomaaliland ayaan arrintaasi dhagjalaq u siinin.
https://youtu.be/JmwCLmtSwP4?t=40

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker