Hay’ada Sirdoonka Somaliland oo Xabsiga dhigtay 4 Askari oo Khalkhal galiyaay Amniga
Hay’adda sirdoonka Jamhuuriyadda Somaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay xidhay afar qof oo kamid ahaa tageerayaashii hubaysnaa ee Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo falal amni darro ka sameeyey Degmadda Axmed dhagax ee Magaalada Hargeysa.
Hay’adda sirdoonku waxa ay sidaasi ku sheegtay qoraal ay ku baahisay barteeda X (Twitter), kaasi oo u qornaa sidan:-“NIA ayaa xabsiga u taxaabtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska iyo qalalaasaha ka waday maqribnimadii isu soo baxa Kulmiye ee habeenimadii 28kii bishan. Waxa la horgeyn doonaa maxkamadaha ciidamada qalabka sida.
Sidoo kale ciidamada booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee kooxdaasi ka tirsanaa.”