Booliiska Faransiiska Oo Baadhaya Kadib Markii Gabadh Booliis Ah Toorey Lagu Diley
Booliiska Faransiiska ayaa baadhitaan ku wada shil ay ku sheegeen weerar argagixiso kaddib markii gabadh booliis ah tooray lagu diley meel ka baxsan magaalada Paris.
Weerarkan ayaa ka dhacay degmo 60km dhacda koonfurta galbeed ee caasimada Paris, waxaana gabadhan oo ahayd 49-jir lagu diley goob aan ka fogeyn saldhig booliis.
Booliska ayaa dhinaca kale toogtay nin 36jir ahaa oo asal ahaan kasoo jeeday dalka Tunisia oo lagu tuhunsanaa inuu weerarkaas.