Shil ay dad ku dhinteen oo ka dhacay waddada isku xidha Gaarisa iyo Dhadhaab
Shil gaari ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa xagar buul iyo sareedo, oo ku yaal waddada isku xirta Gaarisa iyo Dhadhaab.
Shilkaan ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaadiidka dadweynaha ee basaska iyo gaari nooca raaxada ah sidoo kalena loo adeegsado in lagu safro kaas oo loo yaqaan ββproboxββ, waxa uuna shilku dhacay kadib markii mid kamid ah labadaan gaari uu isku dayay in uu dhinac maro midka kale, sida aan xogta ku helnay.
Inta la xaqiijiyay waxaa shilka ku dhintay ilaa laba qof oo isku qoys ah, waana hooyo iyo gabadheeda yar.
Sidoo kale dhaawacyo daran ayaa soo gaaray darawalkii waday gaariga yarka ah iyo ayeeyada dhashay hooyada iyo gabadheeda dhintay, gaariga yarka ah ayaana u kireysnaa qoyska.
Dhanka kale waxaa jira dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray ilaa shan qof oo kale kuwaas oo saarnaa gaariga dadweynaha ee baska ah.
Gaadiidka gurmadka dagdaga ah iyo ciidamo booliis ah ayaa goobta soo gaaray si ay gurmad ugu fidiyaan dadka, waxaana dhaawacyada iyo meydadka loo qaaday Dhadhaab.