Shiinaha Oo Shaqaalaha Diyaaradaha Ku Armay Inay xidhaan Xafaayad Iyo Sababta?

Shirkadda diyaaradaha ee dalka Shiinaha ayaa kusoo rogay shaqaalaha diyaaradaha inay xidhaan xafaayad ayna ka fogaadaan isticmaalka suuliga si loo yareeyo khatarta faafitaanka Covid-19.

Talada ku saabsan xafaayadda waxay la socotaa qalabka difaaca shakhsiga ee shuruuc cusub oo loo soo saaray diyaaradha.

Waaxda ayaa sheegtay in taladan ay khuseyso diyaaradaha aadaya meelaha ay ka jiraan kiisaska badan ee Covid-19.

Guud ahaan dunida, diyaaradaha iyo garoomada ayaa isbeddel weyn ku sameynayay sida ay u howlgalaan si ay rakaabku ugu suurtagasho inay mar kale raacaan diyaaradaha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker