Maamulka Degmada Wajaale Oo Xabsiga Dhigay Sariflayaal

Maamulka degmada Wajaale ee gobolka Gebilay oo kaashanaya laamaha amniga ayaa maanta fuliyay hawlgal lagula dagaalamayo sarriflayaal ay sheegeen in bulshada ay ku kicinyaan sixirka lacagaha qalaad.

Maamulka degmada ayaa soo xidh xidhay sanaaduuqda qaar ka mid ah sarriflayaal ajaanib ah oo sixirka ku kicinayay bulshada ku dhaqan degmada Wajaale, taasoo saamayn ku yeelatay nolosha dadka magaalada. Sarrifalayaashan ajaanibta ah ayaa qiime sare ku sarifayay lacagaha qalaad ee laga adeegsado degmada Wajaale.

Ciidanka ammaanka ee magaalada ayaa qalabkii ay ku ganacsanayeen ka uruuriyay ajaanibkaasi, maamulka degmada Togwajaale ayaa sheegay inaanay marna ogolaan doonin in maceeshadda lagu kiciyo dadkooda isla markaan ay il gaar ah ay ku hayaan ganacsatada kicisa waxyaabaha daruuriga ee bulshadu ay isticmaasho.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker