“Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa fadhiidka ahi Ethiopia badda ay doonayso uma hayaan” Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

Dawladda Turkiga ee la wareegtay kheyraadka dalkii aynu mar isku jiray ee Soomaaliya, waxa ay ku hafanaysaa xaqiiqada uu ka turjumayo heshiiska ay Jamhuuriyada Somaliland la gashay dalka Ethiopia.
Heshiiskani waa mid u taagan baahida labada dhinac ee galay, Ethiopia maaha mid doonaysa bad uun ee waxa runtu tahay in ay saldhig ka doonayso badda cas ama badda gacanka cadmeed oo ah marin muhiim u ah isku socodka dalalka adduunka.
Kooxda Xasan Sheekh in badan ayay ku celceliyeen in ay Ethiopia u ogol yihiin deked iyo weliba saldhig millateri haddii ay xageeda soo maraan, taasi oo aanu Abiy Ahmed dheg jalaq u siin, maadaama uu ogyahay in aanay Kooxda Muqdisho bixin karin marinka gacanka cadmeed ee dhaca Somaliland.
Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa ay xaqiiqadu tahay in Jamhuuriyada Somaliland oo keliya ay tahay ta ka go’aan gaadhi kara baddeeda ee aanay Turki iyo Soomaliya midna wax ka xariiqi karin, kana go’aan gaadhi karin mustaqbalka dalkan barakaysan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker