Dawlada Kenya oo Damacsan inay Dalkeed ka Saarto Wasiir C/rashiid Janan si ay uga Badbaado Gacanta Kulul ee Soomaalida
Mandhera (OWN) – Dowladda Kenya, oo cadaadis xoog leh kala kulmeysa Soomaalida degta Gobalka Waqooyi Bari ee dalkaasi, gaar ahaan Siyaasiinta Mandheere ayaa bilaawday Qorshe ay dalkeeda kaga Saareyso Wasiir Janan.
Kenya ayaa u diyaar garowday in Ciidankeeda ay dagaalka ka caawiyaan kuwa Jubaland islamarkaana Wasiir Janan Loo qabto Degmada Beladxaawo oo ku taala Xaduuda labada dal, sida ay ogaatay Sida ay Heshay Shabakada Wararka ee Oodwaynemedia .
Xogta ayaa sheegaysa in hadalkii Madaxweynaha Kenya ee ahaa in Soomaaliya ay ku soo Xadgudubtay xaduudda Kenya uu ahaa mid lagu Baneysanayo howlgal ay ka qeyb qaataan ciidanka Kenya.
si Wasiir Janan gudaha dalkiisa loogu sameeyo degaan laguna ilaaliyo, taas oo meesha ka saari karta qeyla dhaanta Xildhibaanada Kenya.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxwayne Uhuru ayaa lagu yidhi “Golaha Amniga Qaranka waxa uu walaac ka muujinayaa xadgudubka ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku sameeyeen madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya 2-dii March 2020.
Halkaasi oo Ciidamada Ajnabiga ahi ay jebiyeen Sharcigii Jaarnimada dhanka Xuduudaha.
islmarkaana aan wax ixtiraam ah u hayn Xeerarka caalamiga Waxaanay ku Keceen dhaq-dhaqaaqyo gardarro ah , ayaga oo dhibaya islamarkaana Burburinaya Hantiada
shacabka Kenya ee ku nool magaalo Xuduudeedka Mandhera.”
Shacabka ku Nool Beladxaawo iyo Ceelwaaq ayaa cabsi ka qaba in labadaas magaalo Ay Gabaad U Noqdaan Dagaal Lagu Hoobto oo ka dhex qarxa Labada Dawladood ee Kenya iyo Somalia .
Labadii bishan ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay Beladxaawo waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayada oo markii dambe lagu jebiyey ciidanka Cabdirashiid Janan oo u cararay dhanka Mandhera ee Gudaha Kenya.