Daawo: Kooxaha Ka Soo Horjeeda Isir Takoorka, Midigta Fog Iyo Booliska Oo Ku Dagaalamay London
Dad mudaharaadaya ayaa booliska ku shiiday quraarado mar ay gorrodda isku dareen magaalada London, halkaas oo ay kumanaan qof iskugu soo baxaaneen iyagoo dhegaha ka furaystay digniino loogu diidayo mudahraadkaas.
Kooxo dibad baxaya ayaa isugu soo ururay badhtamaha caasimadda iyagoo ku doodaya in ay taalooyinka ka ilaalinayaan dadka isir takoorka ka soo horjeeda ee iyaguna bannaan baxyada dhigaya.
Mudaharaadayaasha diidan isir takoorka ayaa iyaguna sidoo kale isugu soo baxay meelo kala duwan oo dalkaas ah oo xataa badhtamaha London ka mid tahay.
Booliska ayaa teed kala dhex dhigay dhawr kooxood oo doonayey in ay ka qayb galaan bannaan baxyadaa, maadaama oo todobaadkii hore bilowgiisii ay dhaceen rabshado dhex maray kooxahaasi.
Qabanqaabiyeyaal ka tirsan dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ayaa dadka ku booriyey in aanay ka qab galin banaan baxyada dhici doona bilowga todobaadkan maadaama oo ay dhici karto in shaqaaqooyin ka dhex abuurmaan iyaga iyo kooxaha midigta fog.
Mudaharaadadaa midkood oo markii hore la qorsheeyey inuu Sabtida ka dhaco London ayaa maalin la sii qadimay.
Hase yeeshee dad kale oo dibad baxaya ayaa isugu soo ururay taalada dagaalka ee Cenotaph oo ku taal Whitehall, waxayna sidoo kale guudka uga baxeen taalada Winston Churchill ee ku taal barxadda Baarlamanka.
Kooxo kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa garabka midig, ayaa sheegay in ay iyaguna iskugu iman doonaan London si ay u ilaaliyaan taalooyinka taariikhda Ingiriiska.
Dadka mudaharaadka ka qayb galaya wax aka mid ah hogaamiyaha ururka midigta fog ee Britain First, Paul Golding, oo bishii hore lagu helay dambi aragagixisonimo ah, waxaanu yidhi waxaanu “u soo baxnay si aanu u ilaalino taalooyinkayaga”.
Taallada Churchill ayaa teed lagu wareejiyey si looga ilaaliyo dhaawac soo gaadhi kara, maadaama oo ay hore dad mudaharaadayey ugu tilmaameen inuu ahaa qof cunsuri ah.
Koox mudaharaadayaal ah oo farobadan ayaa teedkii la hor dhigay xafiiska ra’isal wasaaraha ee Downing Street iyo qaar kaleba qaaday oo booliskana shiiday.
Iyadoo sawirro laga soo qaaday mudaharaadada dhacaya ku baahinaysa bogga ay ku leedahay Twitter-ka, ayaa wasiirka arimaha gudaha Priti Patel waxay ku tilmaantay in ay yihiin “fadqalallo aan la aqbali karin”.
“Qof kasta oo ku kaca fal dambiyeed ama booba hanti waa inuu fishaa in sharcigu gacan adag ku qaban doono” ayay tidhi.
Didbaxyadan kuwo la mid ahi waxay ka dhaceen magaalooyinka kale ee Manchester, Cardiff, Leicester iyo Sheffield, waxaana ay xidhiidh la leeyihiin kuwa ka aloosan dalka Mareykanka iyo dunida dacalladeeda,kuwaa oo ka dhashay dilkii George Floyd ee bishii May ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.