Siyaasi Abgaal Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Hoggaaminta Dalka ,Iyo Dibudhaca Doorashooyinka Somaliland.

Borama-(OWN) Iyada oo shacabka Somaliland ay weli siyaabo kala duwan uga hadlayaan dib u dhaca ku yimid doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Somaliland ee guddida komishanka doorashooyinka qaranka S/land dhawaan ku dhawaaqeen, ayaa Siyaasi Maxamed Jaamac AB-Gaal Oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani horena xilal Wasiirro uga soo qabtay xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa nasiibdarro ku tilmaamay dib u dhaca doorashooyinka Golaha deegaanka Iyo Wakiiladda.

Maxamed Ab-gaal oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Gudaha magaalada Borama ayaa waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinkaas isaga oo arrintaasi ku fasiray inaysan Somaliland doorasho ka dhacaynin marka laga reebo ayuu yidhi doorashada Madaxweynenimo isagoo yidhi:

“Waxaan aad uga xumahay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka golaha wakiilada iyo ta deegaanka, waxaa ii muuqata in la iskaba daayey somaliland doorashooyinka golaha wakiiladda iyo deegaankuba inay ka dhacaan oo sheekadeediiba ay dhamaatay, wixii doorasho ah ee hadeed ka qabsoomaysa somaliland kaliya noqoto ta Madaxweynenimo oo madaxweyne uun dalka loo doorto, Madaxweynahaas oo beel magaceed huwan dabadeedna beel kale xilka u dhiiba,Madaxweyne cashuurta shacabka ka gura siduu doonana ka yeella,Ciidanka qarankuna ay amarkiisa qaataan ” .

Sidoo kalena ex-Wasiir abgaal waxa uu intaa ku daray:- ” Doorasho dambe oo Baarlamaan Iyo Deegaan ahi ma jiraan weliba waxaan filayaa oo ii sii muuqata Madaxweynaha Haatan Muuse Biixi Cabdi Kaddib doorasho dambe oo dalka ka dhacaysaa in aanay jirin taas mar hadday sidaas tahay Somaliland reer reer ayaa la iskugu dhii-dhiibayaa oo Hagbad ayayba noqotay, markaa yaan dadka la dhibin oo reerba mar uun markiisa haloo sheego, sida dalku u sii socdo waxbana been yaan la isku sheeg-sheegine imika 5-Ta Madaxweyne ee Ku xigi doonna Muuse Biixi ha laga dhigo Beelaha Ciise, 5-Ta Ku Xigtana Gabooye Noqdo, 5-Ta Ku Xitana inuu Warsangeli Noqdo, 5-Ta Ku Xigi doontana Ay noqdaan Dhulbahante, 5-Ta Ku xigi Doontana u noqdo Gadabuursi. Waa Hadii la rabo in dalkan la sii wada lahaado oo uu sidaa kusii socdo”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker