Siyaasi Cabdilaahi Geeljire Ayaa Madaxweynaha Usoo Jeediyay Inuu Khdubaddiisa Berri Ee 18MAY Uu Diiradda Ku Saaro Midnimadda Bulshadda.
Hargaysa:(OWN)- Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan oo ka mid ah Siyaasiyiinta madaxa-banaan ee haatan ka midka ahayn Saddexda Xisbi ee Somaliland ka jira,ayaa sheegay inay muhiim tahay inuu Madaxweyne Biixi khudbadiisa maalinta berri ah xoogga ku saaro wax-ka-qabashadda Tabashooyinka dhinac walba leh ee Bulshadda iyo siidi looga wada shaqayn lahaa inay dadka la walaaleeyo,layskuna soo dhaweeyo.
Siyaasi Geeljire ayaa sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOK-ga,waxaana uu u dhignaa sida tan;
“WAA FURSAD KALE. AAN WADAJIRRO WALAALAYAAL
Berri 18 May oo ah maalintii la soo noqoshada xorriyaddii Somaliland qaadatay 26June,1960 waxaan ka rajaynayaa Madaxweynaha JSL in uu ku tuntuunsado midnimada Somaliland iyo wadajirka muwaadiniinteeda. In ay ka helaan khudbadiisa wax xal ama furdaamin u noqda tabashooyinkooda noocay doonaan ha noqdaane oo la taaban karo. In uu u soo ban dhigo wax kobcinaya rajadooda. Wax guul ina wada gaadhsiin kara.??
SOMALILAND HA NOOLAATO.”