Xamas oo sheegtay in rayid badan ay ku dhinteen duqeyn ay Israa’iil fulisay

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 71 falastiiniyiin ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay goob arrimaha bini’aadantinimo oo loo asteeyay.

Israa’iil ayaa dhnkeeda sheegtay in weerar ay qaaday lagu beegsaday hoggaamiyeyaasha sare ee Xamaas. In ka badan 289 qof ayaa ku dhaawacmay, sida lagu sheegay warka ka soo baxay wasaaradda caafimaadka.

Xamaas ayaa sheegtay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Al-Mawasi oo u dhow Khan Younis, kaasoo ay ciidamada Israel u aqoonsadeen aag bini’aadantinimo, iyagoo ugu baaqay Falastiiniyiinta inay gabaad u raadsadaan.

Sarkaal u hadlay Israa’iil ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday madaxa garabka militariga ee Xamaas, Maxamed Deif laguna qaaday , “goob furan” oo ay ku sugnaayeen “argagixisada Xamaas oo kaliya, shacabna aysan ku sugneyn”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker