Itoobiya oo Somaliland u tababaraysa ciidamadii ugu badnaa

Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadii ugu badnaa ay u tababaryso dowladda Itoobiya.

War qoraal ah oo si kooban loogu baahiyay barta Facebook eeTelefishinka qaranka  ayaa lagu sheegay in taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Nuux Ismaacil Taani uu saaka amba bixiyay ciidamada la soo tababarayo oo ku sii jeeda dalka Itoobiya.

Taliyaha ayaa ciidamadan ka sagootiyay magaalada xadka ku taalla ee Wajaale.

Muuqaal baraha bulshada la soo dhigay ayaa sidoo kale lagu arkayaa gawaadhi basas ah oo ay ciidamadu saaranyihiin oo u muuqda in ay ku sii jeedaan Itoobiya.

Inkastoo warkaan lagu sheegay in ciidamadani yihiin kuwii ugu badnaa haddana tiro rasmi ah laguma sheeegin qoraalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker