Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sheegay in saaka Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno ka tirsan Hiiraan
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaannada Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Saraakiisha howlgalka ayaa xaqiijiyay warkaan la xiriira in ciidamadu qabsadeen deegaannadaan hoos taga degmada Jalalaqsi, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Marka laga yimaado warkaan lagu baahiyay warbaahinta dowladda ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijineysa in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku ay shababa kala wareegeen tuulooyin ka tirsan Hiiraan.
Deegaanno badan oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay waddo dowladda Soomaaliya kuwaas oo ku wajahan deegaannada Al.-Shabaab kaga suganyihiin aagagga howgalladu ka socdaan.