Barakac horleh oo ka bilowday Qasa kadib amar ka soo baxay Milatariga Israa’iil

Milatariga Israa’iil ayaa u sheegay dadka reer Qasa in ay ka baxaan koonfurta magaalada isla markaana u guuraan Marinka Qasa, iyadoo halkaana ay howlgallo ka socdaan.

Waraaqo ay daadiyeen diyaarado ayaa dadka loogu sheegay in “qof kasta oo ku sugan magaalada Qasa” uu halkaa ka baxo waxa lagu tilmaamay “aagga dagaalka khatarta ah” iyada oo la sii marayo wadooyin nabdoon oo loogu talay in ay isticmaalaan dadku.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay amarada daadguraynta ee la siinayo dadka. Waa markii labaad tan iyo markii uu dagaalku billowday oo dadka laga dalbanayo in ay ka baxaan goobihii ay ku noolaayeen.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, ciidamada Israa’iil waxay dib u galeen dhowr degmo oo ay ciidamadu rumeysan yihiin in Xamaas iyo dagaalyahannada Jihaad Islaami ee Falastiinta ay dib isaga soo abaabulayaan tan iyo bilowgii sanadkan.Dadka ayaa durba bilaabay in ay halkaa kala baxsadaan naftooda.

Dadka Falastiiniyiinta ah ayaa wajahaya dhibaatooyinka isugu jira barakac iyo duqeymo joogta ah oo ay gaysanayana diyaaradaha Israa’iil.

Warka ka soo baxay milatariga Israa’iil ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallada laga dhex wado labada dhinac ee la doonayo in lagu gaaro xabad-joojin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker