Farshaxaniistihii gubay sawirka madaxweynaha Tanzania oo lasii daayay

Farshaxanistaha da’da yar ee reer Tanzaaniya oo toddobaadkii hore lagu helay dambiyo dhanka internetka ah ayaa xabsiga laga sii daayay ka dib markii dadka isticmaala baraha bulshada ay u uruuriyeen in ka badan $2,000 (£1,600) si ay uga bixiyaan ganaaxiisa.

Shadrack Chaula ayay maxkamadu ku xukuntay inuu bixiyo lacagta ganaaxa ah haddii kale uu muteysan doono laba sano oo xarig ah ka dib markii uu qirtay in uu duubay muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada, kaas oo muujinaya isagoo gubaya sawirka madaxweyne Samia Suluhu Hassan isla markaasina aflagaadeynaya.

“Aad ayaad ugu mahadsan tihiin walaalaha Tanzania sida aad ii soo badbaadiseenn,” Mr Chaula ayaa sidaasi u sheegay suxufiyiinta, wax yar ka dib markii la sii daayay Isniintii.

Kiiskan ayaa muran ka dhaliyay dalkaasi, iyadoo qaar ka mid ah qareennada ay sheegeen in 24-jirkan farshaxiinstaha ah uusan jebin wax sharci ah, markii uu gubay sawirka.

Booliisku waxay sheegeen inay u xireen “ereyo adag” oo ka dhan ah Madaxweyne Samia, muuqaalka TikTok ee uu ku duubay tuulada Ntokela ee u dhow magaalada Koonfur-galbeed ee Mbeya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker