Dowladda Uganda oo lagu eedeyay in ay taageerto Jabhad ka dagaallanta dalka Congo

iidamada Uganda ayaa taageero u fidiyay fallaagada M23 ee ka howlgasha bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters Isniintii shalay, iyadoo uu dagaalladu sii kordhayaan, lagana cabsi qabo isku dhacyo cusub.

Uganda ayaa beenisay inay ku lug leedahay arrintan, iyadoo sheegtay inay si dhow ula shaqeyso ciidamada dowladda Congo.Qaramada Midoobay ayaa in muddo ah ku eedaynaysay Rwanda inay taageerto kooxda M23 oo marar badan qabsatay qayb badan oo ka mid ah bariga Congo ee qaniga ku ah macdanta, taasoo Rwanda ay beenisay.

Congo waxaa aafeeyay dagaallo muddo tobanaan sano ah socday. Uganda iyo Rwanda ayaa ku duulay 1996 iyo 1998 waxaana ay xilligaas sheegeen in ay iska ilaalinayaan kooxo gudaha ah oo khatar ku ah amniga dalalkooda.Uganda ayaa wali wada howlgal ay si wadajir ah isaga kaashanayaan ciidamada Congo oo ka dhan ah jabhad ka soo jeedda Uganda.

Falaagada M23 ee uu hogaamiyo nin ka soo jeeda qabaa’ilka Tutsiga ee Congo ayaa kacdoon ka wadda bariga DRC tan iyo 2022-kii.

Askarta Uganda waxay qayb ka ahaayeen ciidan goboleed loo diray bishii November 2022-kii si ay ula socdaan xabbad joojinta M23. Maamulka Congo ayaa ugu baaqay ciidamada inay isaga baxaan sannadkii hore, iyagoo sheegay inaysan wax-tar u lahayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker