Dowladda Rwanda oo war ka soo saartay heshiiska qaxootiga ee ay horey ula gashay Ingiriiska

Dowladda Rwanda ayaa soo saartay bayaan ka dib markii ay meesha ka saartay heshiiskii musaafurinta ee ay la gashay dowladdii hore ee Britain.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Labour-ka Keir Starmer ayaa ku tilmaamay heshiiskaa mid dhintay oo la aasay ka hor inta uusan bilaaban. Hadalka Kigali waxay ku cadaysay inay si buuxda u taageertay dhinaceeda heshiiska.

Heshiiska, oo lagu doonayay in wax looga qabto qalalaasaha socdaalka aan caadiga ahayn ee Britain, ayaa ujeedkiisu ahaa in kumannaan magan-galyo doon ah loo soo weeciyo waddanka ku yaalla bariga Afrika, iyadoo ay ku kacayso malaayiin dollar, halkaas oo codsigooda magan-gelyo laga baaraandegi doono.

Britain ayaa qorshahan u qoondaysay saddex boqol iyo toddobaatan milyan oo doollar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker