Biden oo si adag uga hadlay duqeynta dadka badan ku dhinteen ee Ukraine ka dhacday

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyay mowjado gantaallo ah oo Ruushku ku dilay ugu yaraan 41 qof gudaha Ukraine, taasoo uu sheegay in ay tahay “arrin naxdin leh oo muujinaya naxariis-darrada Ruushka”, isagoo wacad ku maray inuu xoojin doono difaaca cirka ee Kyiv.

Ugu yaraan 166 ayaa ku dhaawacantay guud ahaan dalka, oo ay ku jiraan qaar wax-yeello ka soo gaartay madaafiicda ku dhacday isbitaalka carruurta ee caasimadda Kyiv.

Falkaan lagu duqeyay dhismayaal ku yaalla Ukraine ayaa ku soo aadaya, ayadoo Mr Biden uu isu diyaarinayo marti gelinta shir madaxeedka NATO, oo ka dhacaya Washington maanta.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in xoojin dheeraad ah oo lagu kordhinayo difaaca hawada Ukraine lagu shaacin doono kulanka.

Hogaamiyayaasha 32-ka wadan ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO, wadamada ay saaxiibada yihiin iyo Midowga Yurub ayaa isugu imaanaya xuska sanad guurada 75-aad ee ururka.

Mr Biden ayaa sheegay in uu soo dhaweyn doono madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo madaxda kale ee NATO.

Shir madaxeedka ayaa diiradda lagu saari doonaa difaaca iyo ka hortagga duulaanka Ruushka ee Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker