Madaxweynaha Turkiga oo marti qaad u fidinaya dhiggiisa Suuriya si loo soo celiyo xiriirkii labada dal

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in laga yaabo in uu Turkiga ku casuumo dhiggiisa Suuriya Bashaar Al-Asad “waqti kasta”, taasi oo muujin karta in uu soo hagaagayo xiriirka labada dal ka dib in ka badan toban sano oo kala fogaansho ah.

Arintan ayaa timid wax ku dhow todobaad kadib hadalkii Erdogan ee uu ku sheegay in aysan jirin wax ka hor istaagaya inuu xiriir dhex maro Ankara iyo Dimishiq, kadib xiisado xoogan oo tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen banaanbaxyo ka dhacay dalka Suuriya 13 sano ka hor,kuwaasi oo gaaray heerkii ugu sareeyay markii Turkiga uu dalbaday in meesha laga saaro Assad “si looga hortago dhiig daata.”

Wakaalada Wararka Anadolu ayaa soo xiganeysa Erdogan Axadii, war saxaafadeedkiisa intii uu ku guda jiray socdaalkiisa Berlin, halkaasoo uu goob joog ka ahaa ciyaar dhexmartay xulka qaranka dalkiisa iyo dhiggooda Holland, taasoo qeyb ka ah tartanka kubadda cagta Yurub ee Euro 2024.

“Waxaan casumaaddayada u fidin doonnaa Asad, martiqaadkan, waxaan rabnaa inaan dib u soo celinno xiriirka Turkiga iyo Suuriya sidii ay ahaan jireen markii hore,” ayuu Erdogan u sheegay Wariyaasha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker