“Itoobiya si darisnimo ah in ay noogu timid nagalama hadal arrimaha maanta taagan, ” Xasan Sheekh

Kal fadhiga shanaad aad ee baarlamaanka Soomaalia ayaa maanta furmay. Ajandayaasha horyal waxaa ka mid ah sharciyada la xiriira dimuqraadiyeenta dalka sida xisbiyada, doorashooyinka, garsoorka iyo kuwa kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalka furitaanka kaga hadlay qodobo badan oo ay ku jiraan khilaafka kala dhexeeya Itoobiya iyo arrimaha Shabaab.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in Itoobiya ay shalay iyada aheyd waxa jabiyay qeynuunka caalamiga iyo daris wanaagga mana ka soo noqon taas.

“Itoobiya si darisnimo ah in ay noogu timid nagalama hadal arrimaha maanta taagan, nasiib darro iyadaa wareegeysa meel kasta oo leh hanala heshiiysiiyo, Soomaaliya ma ahan midda xadgudubtay ama diidan heshiis”. Wuxuuna intaas ku daray madaxweyne Xasan Sheekh in Itoobiya moqwifkeeda waxba iska badelin kulankii dhawaan dhacay.

Mar uu ka hadlayay dhinaca Somaliland waxa uu sheegay in wax kasta lagu xalin karo si Soomaalinimo ay ku jirto.

“In walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan, una noqdaan jidkii aan isla jeexnay ee labo maalmood ka hor saxiixa is-afgaradka sharcidarada ah inta aan la saxiixin”. Wuxuuna sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in jidkaas uu weli furan yahay.

“Hadii aan wada jireyno iyo hadii aan kala tageyno waa howl u gaar ah oo khuseysa oo kaliya dadka Soomaaliyeed, nagama jirto meelo kale iyo ajnabi”

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay arrimaha Al-shabaab waxa uu sheegay in aysan jirin wadahadal Shabaab lala galo.

“Ma jiro qorshe socda oo aan kula hadleyno argagixisada oo aan aqoonsaneyn dowlad Soomaaliyeed”.

Arrimaha doorashada mar uu ka hadlsyay waxa uu sheegay in dhameysterka dastuurka fure u yahay.

“Dhameystirka dastuurka waxa uu dabarka ka furayaa bulshadeena si muwaadinka u helo in uu wax doorto ama la doorto”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker