Hoggaamiyayaasha militeriga galbeedka Afrika ayaa dhisanaya Isbahaysi ay ku xoojinayaan xiriirkooda

Hoggaamiyaha Niger Abdourahamane Tchiani ayaa ku soo dhaweeyay dhigiisa Burkina Faso kabtan Ibrahim Traoré jimcihii magaalada Niamey.

Hoggaamiyayaasha saddexda dal ee gelbeedka Afrika ayaa la filayaa in ay markii ugu horeysay ka hadlaan sidii ay u xoojin lahaayeen isbahaysiga ay dhisteen ee ay kaga horjeedaan dalalka dariska.

Militeriga ayaa kula wareegay xukunka dalalka Mali, Burkina Faso iyo Niger afgembiyo isku xigxigay oo dhacay 2020-kii ilaa iyo 203-kii.

Saddexda dal oo hadda dhistay Isbahaysiga Saaxil waxaa saameyay dagaalada xagjiriinta taas ka mid ah sababaha ay ciidanka ula wareegeen xukunka.

Bishii Janaayo waxay ku dhawaan dhammaantood qorshooyin ay kaga baxayaan urur goboleedka Ecowas kaas oo Axadda ka shiraya.

Kulanka saddaxda hoggaamiye ee maanta waxaa la filayaa in ay ku abuuraan Isbahaysi magaciisu marka la soo gaabiyo ah AES.

Saddaxda dal waxay dalalkooda ka eryeen ciidamada Faransiiska kuwaas oo qeyb ka ahaa dagaalka looga horjeedo kooxaha jihaad doonka, waxayna u wareegeen dhinaca Ruushka si ay taageero militeri uga helaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker