Ciyaartoyga Maxamed Salaax Oo Ku Guulaystay Abaalmarin

Ciyaaryahanka dalka Masar iyo kooxda Liverpool afka hore uga dheela ee Maxamed Salaax ayaa ku guulaystay abaalmarinta Puskas oo Fifa ay siiso qofka ugu gool qurux badan ciyaartoyda kubbadda cagta.

Xalfadda Salaax lugu gudoon siiyay abaalmarinta ayaa xalay ka dhacday magaalada London.

Gooshii uu Salaax ka dhigay kooxda Everton ee ay ka wada dheelaan Horyaalka Ingiriiska ayay taageerayaashu u codeeyeen in uu ahaa midkii ugu wanaagsanaa.

Gooshaas ayuu bishii Disembar ee sannadkii hore ku dhaliyay garoonka Anfield.

Luka Modric oo reer Croatia ayaa noqday ciyaar yahanka ugu wanaagsan, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ku moorgaysan jiray ayuuna ka faro bixiyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker